Xisbullah oo Xaqiijisay Dilka Hoggaamiyahooda Sheekh Xasan Nasrallah

Published: September 28, 2024

Dagaalyahanada ururka Xisbullah ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku xaqiijiyeen dilka hoggaamiyahoodii Sheekh Xasan Nasrallah oo lagu dilay duqayn xoog oo xalay ay milateriga Israa’iil ka fuliyeen koonfurta Caasimada Beyruut.

Duqaynta Israa’iil oo xoog badnayd ayaa xalay oo dhan socotay waxaana lagu bartilmaameedsaday 140 xarumood oo ay leeyihiin ururka Xisbibullah ee koonfurta Caasimadda Beyruut sida ay sheegeen milateriga Israa’iil.

Bayaanka ay soo saartay waxay ku sheegtay in Nasrullah uu ahaa halyeey dagaayhan ah oo ku biiray safka shuhadada saraakiishi ka horreysay ayay yiraahdeen.

HORSEEDMEDIA