129 qof ayaa ku dhintay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay dalka Nepal

Published: September 29, 2024

Dowladda Nepal ayaa xidhay iskuulada muddo saddex maalmood ah ka dib markii dhul go’ iyo daadad ka dhashay roobab culus oo ka da’ay buuraha Himalaya laba maalmood oo ay ku dhinteen 129 qof, iyadoo 62 kalena la la’yahay, sida ay saraakiishu sheegeen Axadii.

Daadadku waxay hakiyeen isu socodkii iyo dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa ee dooxada caasimadda Kathmandu, halkaas oo 37 dhimasho ah laga diiwaan geliyey, waa gobol ay ku nool yihiin 4 milyan oo qof.

Maamulka ayaa sheegay in ardayda iyo waalidiintooda ay soo wajahday dhibaato maadaama dhismayaal jaamacadeed iyo dugsiyo ay waxyeeleeyeen roobabka ay u baahan yihiin dayactir.

“Waxaan ku boorrinay mas’uuliyiinta ay khuseyso inay xiraan iskuullada ku yaalla goobaha ay dhibaatadu saameysey muddo saddex maalmood ah,” Lakshmi Bhattarai, oo ah afhayeenka wasaaradda waxbarashada, ayaa u sheegay Reuters.

Qaybo ka mid ah caasimadda ayaa laga soo sheegay roobab gaaraya ilaa 322.2 mm (12.7 inches), taasoo ku riixaysa heerka webiga weyn ee Bagmati ilaa 2.2 m (7 ft) oo dhaafay calaamadda khatarta ah, ayay khubaradu sheegeen.

Laakiin waxaa jiray calaamado muujinaya nasasho subaxnimadii Axadda, iyadoo roobabku meelo badan ka yara yaraayeen, ayuu yiri Govinda Jha, oo ah saadaasha cimilada caasimadda.

Horseed Media