Iran ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto Taliye ku xigeenkii Ilaalada ee lagu dilay Lubnaan

Published: September 29, 2024

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iran Cabbaas Araqchi ayaa Axadii sheegay in dilka ay Israa’iil ku dishay taliye ku xigeenkii ilaalada kacaanka Iran ee magaalada Beirut uu ahaa “dambi aad u fool xun” oo aan laga jawaabin.

Sarreeye Guuto Cabbaas Nilforoushan ayaa lagu dilay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay magaalada Beirut Jimcihii oo uu ku dhintay madaxii Xisbullah, Xasan Nasrallah.

“Shaki kuma jiro in dambigan foosha xun ee ay gashey maamulka Sahyuuniyadda (Israa’iil) uusan noqon doonin mid jawaab la’aan ah,” ayuu Araqchi ku yiri hadal uu u jeediyay taliyaha ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah, Major General Hossein Salami.

Horseed Media