Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa sheegay inay dhowaan dooran doonaan hoggaamiye cusub

Published: September 30, 2024

Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa dooran doona qofkii bedeli lahaa xoghayihii guud ee la dilay Sayyed Hassan Nasrallah “fursada ugu horraysa” kaasi oo sii wadi doonaa dagaalka ka dhanka ah Israa’iil, ku xigeenka ururka xisbullah Naciim Qasem ayaa sidaas sheegay Isniintii.

Waxa uu ku sheegay khudbad uu ka jeediyay talefishinka, waana markii ugu horreysay oo uu kasoo muuqdo sarkaal ka tirsan Xisbullah tan iyo markii Nasrallah lagu dilay Jimcihii weerar cirka ah oo ay Israa’iil ku qaadday duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan.

“Waxaanu dooran doonaa xoghaye guud ee xisbiga marka ugu horraysa… waxaana si joogto ah u buuxin doonaa hoggaanka iyo jagooyinka,” ayuu yidhi Qaasim oo ka hadlayay alwaaxyo ka sameysan meel aan la shaacin.

Qassem waxa uu sheegay in dagaalyahanada Xisbullah ay sii wadeen in ay gantaalada ku ridaan meel 150 KM u jirta dhulka Israa’iil, ayna diyaar u yihiin in ay la kulmaan weerar kasta oo ay suurtagal tahay in ay Israel ku soo gasho dhulka.

Horseed Media