Madaxweyne Xasan Shiikh oo ugu baaqay ganacsatada inay maalgashadaan beeraha dalka

Published: October 1, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagay muhiimadda ay beeraha u leeyihiin horumarinta dalka iyo kobcinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu dhiirri geliyey bulshada in ay maal gashadaan ganacsiga beeraha, isaga oo xusay in horumarinta wax-soosaarka gudaha ay fure u tahay yareynta saboolnimada, kobcinta shaqo-abuurka, iyo isku-filnaanshaha cunno ee dalka.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ku boorriyay ganacsatada iyo maal gashadayaasha in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ku jira beeraha Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka ayaa hadalkan ka jeediyay shirweynaha koowaad ee horumarinta silsiladaha maalgashiga beeraha dalkeenna oo uu maanta ka daah-furay muqdisho.

Horseed Media