Xildhibaanada labada Aqal ee Federaalka Puntland ku metal oo Garoowe lagu casumey

Published: October 21, 2024

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa casumaad loogu fidiyey Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka kuwaas oo laga soo doortey Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa Xildhibaanada labada Aqal ku casumey in ay ka soo qaybgalaan kalfadhiga 55 aad ee Golaha wakiilada Puntland oo furmaya 25 Bishan Oktoobar, Guddoomiye Cabdirisaaq ma sheegin in Xildhibaanada ay wadatashi la yeelan doonaan iyo in ay ku egtahay ka soo qaybgalka xafladda furitaanka.

Xildhibaanada labada Aqal ee Puntland ka yimid ee ku sugan Muqdisho ayaa si weyn uga cabanaya in Dowladda Puntland ay xiriirka u jartey gaar ahaan Madaxweynaha Puntland, halka Xildhibaanada kale ee laga soo doorto qaar kamid ah Dowlad goboleedyadu ay xiriir wanaagsan la lee yihiin dowladooda.

Ma cadda in Xildhibaanadu munaasabadan uga faa’ideysan doonaan sidii ay uga hagaajin lahaayeen xiriirka iyaga iyo Puntland.

Waxaa jira Xildhibaano badan oo mucaarad ku ah Madaxweyne Deni kuwaas oo isagu horey gacantiisa ugu soo qoray.

HORSEED MEDIA