Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo Dalka Cummaan uga qeybgalay shir muhiim ah

Published: October 4, 2024

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa khudbad ka jeediyay shirka Wasiirada Waxbarashada ee Waddamada Islaamka, kaas oo lagu qabyay dalka Cummaan.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa uga hadlay xaaladda waxbarashada dalka, dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sidii ay waxbarashada u gaarsiin lahayd carruurta Soomaaliyeed ee malaayiinta ah ee aan fursad waxbarasho haysan.

Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay kordhisay miisaaniyadda ku baxdo waxbarashada, sidoo kale ay shaqaalaysiisay 6 kun oo macallin muddadii labada sanno ahayd ee lasoo dhaafay.

Horseed Media