Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka fadhigiisa 3-aad oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Published: October 4, 2024

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka fadhigiisa 3-aad ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, iyadoo diiradda lagu saaray arrimaha dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.

Intii uu socday shirka, waxaa warbixin muhiim ah laga dhageystay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), kaas oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda guud ee geeddi-socodka dimuquraadiyeynta iyo qorshayaasha doorashooyinka soo socda.

Afhayeenka Madaxweynaha XFS, Mudane Cabdiraxmaan Xudeyfi, oo la hadlay saxaafadda shirka kadib, ayaa xaqiijiyay in kulanka maanta uu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan, isla markaana madaxda ay ku heshiiyeen in la sii wado kullamada shirka.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda laga soo saaro war-murtiyeed rasmi ah oo ku saabsan arrimaha dimuquraadiyeynta, doorashooyinka, iyo dadaallada socda ee dib-u-xoreynta dalka.

Horseed Media