Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay shirka todobaadlaha ee Taliska Ciidanka Boliiska

Published: October 3, 2024

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ee Taliska Boliiska kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen Taliyaasha hoggaanada,Fadhiyada Madax banaan iyo Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, waxaana diiradda lagu saaray dardar galinta shaqada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo ladagaallanka Kooxaha Khawaariijta.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray in la dardargaliyo shaqada amniga dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Horseed Media