Raysal Wasaare Xamse oo xilalka u kala wareejiyey Taliyihii hore iyo Taliyaha cusub ee Booliska

Published: October 2, 2024

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in hay’adda Boolisku ay udub dhexaad u tahay arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, la’aanteedna aysan waxba socon Karin.

Mudane Xamse oo ka hadlayay Munaasabad ay si buuxda xilka ugu kala wareegayaan Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha Cusub Janaraal Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa intaa raaciyay in waajibaadka ugu weyn ee dowladdu uu saaran yahay Booliska.

Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Taliyaha cusub uu khibrad weyn u leeyahay ladagaallanka Khawaarijta, wuxuuna sheegay inuu wax abadan kusoo kordhin doono Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa u mahad celiyay guud ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Taliye Sulub oo wax weyn ka qabtay amniga caasimada asaga oo kaashanaya Ciidanka Qalabka sida.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in aysan shaqadiisu ku koobnaan doonin oo keliya ka daba tagidda fal-danbiyeedyada iyo fulinta sharciga balse uu kor u qaadi doono ka hortagidda qataraha si shacabkeennu uu nabad ugu noolaado, wuxuuna xusay in uu curin doonno qorsha lagu xoojinayo Amniga oo ku saleysan Cilmi iyo Khibrad.

Labada Taliye ayaa waxay shalayto la kala wareegeen Faylasha Ciidanka Booliska, iyagoo kormeer uu ku wehliayay Wasiirka Amniga ku gaalaa bixiyay xarunta Taliska Booliska iyo qaybaha ay ka kooban tahay.

Horseed Media