Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay

Published: October 2, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Caasimadda Muqdisho.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka.

Shirka waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

Horseed Media