Sheekh Shariif, Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo mar kale u digey Madaxweyne Xasan Sheekh

Published: October 7, 2024

Qoraal wada jir ah oo ay mar kii labaad ay soo wada saareen Shariif Sheekh Axmed, Xassan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayey ku eedeeyeen in uu dalka qardajeex ku wado, hoos ka kahri.


MAR-MURTIYEED

Waxaan bishii Feberaayo ee sanadkan si wadajir ah u soo saarnay war-murtiyeed tixraaciisu ahaa S/02/04 oo aan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqnay in uu dhulka dhigo talada dalka, una turo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, aqbalana talowadaag iyo tanaasul, si looga wadatashado aayaha dalka, midnimo iyo isku-duubnina loogu wajaho duullaanka ay Itoobiya ku soo qaadday baddeenna.

Madaxweyne Xasan oo hore u laalay dastuurka dalka isagoo ay riixayaan damac gurracan iyo dan gaar ah ayaa go’aansaday in uu dalka ku sii wado jidkii qardajeexa ahaa ee aan uga dignay. Waxaan markii labaad la dhaafay jadwalkii loo asteeyay qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka iyo dowlad-goboleedyada, taas oo caddayn u ah in uusan Madaxweynuhu dalka u wadin doorasho qof iyo cod ah.

Dowladnimada waxaa aasaas u ah ku dhaqanka dastuurka iyo sharciga, xilalka siyaasadeedna waxaa sal u ah sharciyad. Waxaan si adag u diiddannahay muddo-kordhinta uu Madaxweynuhu ku qasbayo madaxda dowlad-goboleedyada ee muddo-xileedkoodu dhammaaday, taas oo uu kaga beddelanayo in ay muddo kordhin u sameeyaan xilliga ay xilhayntiisu dhammaato 15 May 2026.

Waxaa ayaandarro ah in Madaxweynihii loo doortay ilaalinta dastuurka iyo dhawrista sharciyadda siyaasadeed uu doonayo muddo-kordhin iyo in uu jideeyo in sharciyad la’aan la iska joogo xukunka, isaga oo og, waaya-aragna u ah qalalaasaha amni iyo xasilooni darrida siyaasadeed ee uu muddo-kororsiga leeyahay.

Madaxweynuhu halkii uu mudnaanta ka siin lahaa midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, si loogu guulaysto dagaalka argagaxisada, loogana hortago duullaanka ay Itoobiya ku soo qaadday baddeenna wuxuu beddelkeeda ka doortay kala dhantaalidda awoodda gudaha iyo ku takrifalka hantida Qaranka.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore, waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa.

Waxaan madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ugu baaqaynaa in ay ka degaan tareenka jidka qardajeexa ah ku socda ee aan la ogayn halka uu ku demi doono. Waxaana xusuusineynaa in uu dalku yahay federaal, maamulka dowlad-goboleedkuna u xilsaaran yahay qabashada doorashooyinka heer degaan iyo dowlad-goboleed, halka waajibka dowladda Federaalkuna yahay qabashada doorashooyinka federaalka, waxaana sharcidarro ah oo baalmarsan dastuurka dalka iyo kuwa dawlad-goboleedyada in hal guddi doorasho uu qabto doorashooyinka saddexda heer ee degaan, dowlad-goboleed iyo federaalka.

Waxaan bogaadinaynaa mowqifka Madaxweynaha Jubbaland ee ah in aaney doorashooyinka madaxda dowlad-goboleedyadu dhaafin inta ka harsan sannadkan, si aaney sharciyad la’aan u sii joogin xukunka, looguna diyaargaroobo doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha ee 2026.

Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha iyo madaxda dowlad-goboleedyada in ay wadajir ku doonaan Puntland oo madasha ka maqan, si loo ilaaliyo midnimada dalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn; Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh uga digaynaa in uu kabka miisaniyadeed ee ay xaqa u leeyihiin dowlad-goboleedyadu u adeegsado gorgortan siyaasadeed iyo cadaadis uu ku sandulleysto madaxda dowladgoboleedyada, si uu ugu qabso muddo-kororsiga sharcidarrada ah.

  1. Sheekh Shariif Sh. Axmed
  2. Xasan Cali Khayre
  3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame