Kooxda Xisbullah oo duqeeyey magaalada Xayfah ee Israa’iil

Published: October 8, 2024

Kooxda Xisbullah ayaa maanta oo Salaasa ah gantaalo ku duqeeyey magaalada dekadda leh ee Xayfah oo ah magaalada ugu weyn ee Waqooyiga dhulka Israel ka taliso.

Gantaalada ayaa qaar la sheegay in gudaha magaalada ku dhaceen, qaar kalena uu soo riday difaaca cirka ee Israel.

Israel ayaa sheegtay in ugu yaraan 85 gantaal looga soo riday dhinaca Lubnaan, walow aysan faah faahin ka bixin khasaaraha kasoo gaaray gantaalada ku dhacay gudaha iyo duleedka magaaladaasi ay ku taal dekadda ugu weyn ee Israel.

Horseed Media