Ruushka oo guulo ka gaaray dagaalka bariga Ukraine

Published: October 8, 2024

Ciidamada Ruushka oo guulo ka gaaray duulaanka ay ka wadaan bariga dalka Ukraine ayaa gaaray magaalada muhiimka ah ee Toretsk.

Milatariga Ukraine ayaa xaqiijiyay in dagaal uu ka dhacay magaalada galinkii dambe ee Isniintii. Torestsk waa goobtii ugu dambaysay ee muhiimka ahayd ee ay ciidamada Ruushku gaadheen todobaadyadii la soo dhaafay iyaga oo dar-dar geliyey duulaanka ay doonayaan inay gebi ahaan kula wareegaan maamulka gobolka Donetsk.

Ciidamada Moscow waxay ku sii siqayeen magaalada tan iyo bishii Agoosto, iyagoo si isdaba joog ah ugu guulaysanaya tuulooyinka ku hareeraysan iyaga oo wata ciidan lugta ah oo ay caawinayaan duqeynta xoogan oo ay dhulkaas ku wadaan.

Horseed Media