Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay qado sharaf uu Ra’iisal wasaare Xamse u sameeyey xubnaha golaha wadatashiga Qaranka

Published: October 8, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay qado sharaf uu Ra’iisul wasaaraha xukuumadda FS mudane Xamsa Cabdi Barre ugu sameeyay xubnaha golaha wadatashiga Qaranka oo Muqdisho shir uga socdo.

Ra’iisal wasaare Xamse ayaa sheegay in wali ay socdaan wadatashiyada ay leeyihiin xubnaha shirkaka qaybgalaya, islamarkaana dhawaan la soo saari doono war-murtiyeed rasmi ah oo ku aadan waxyaabihii shirka looga wada hadlay.