Duqeymaha Israa’iil ayaa lagu dilay 28 qof oo gabaad ka dhiganayay iskuul ku yaalla bartamaha Gaza

Published: October 10, 2024

Duqeymo cirka ah oo Israel ay ku qaaday iskuul ay gabaad ka dhigtaan dad barakacayaal ah oo ku yaala bartamaha Gaza ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 28 qof, oo ay ku jiraan haween iyo caruur, maalintii Khamiista, halka seddex isbitaal oo ku yaala waqooyiga loo sheegay in ay ka baxaan taas oo nafta bukaanada halis galisay, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Duqeyntan oo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan ayaa ka dhacday magaalada Deir Al-Balah, halkaas oo hal milyan oo qof ay gabaad ka dhigteen ka dib markii ay ka soo carareen dagaallo ka dhacay meelo kale ka dib markii uu dagaal socday in ka badan hal sano.

Milateriga Israa’iil ayaa Khamiistii sheegay inay qaadeen “duqeymo sax ah oo ka dhan ah argagixisada”, kuwaas oo xarun laga hago oo ku dhex taallay iskuul.

“Tani waa tusaale dheeri ah oo ku saabsan xadgudubka joogtada ah ee ururka argagixisada ah ee Xamaas uu ku hayo kaabayaasha rayidka taasoo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka milatariga.

Xamaas ayaa beenisay eedeymahaas. Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in 54 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dugsiga.

Horseed Media