Ciidanka Birjeex oo mar kale khasaare xoogan gaarsiiyey kooxda Alshabaab

Published: October 13, 2024

Ciidamada Jubbaland gaar ahaan guutada Birjeex ayaa Howlgal qasaaro xoogan lagu gaarsiiye khawaarijta ka sameeye tuulo dhinaca koonfureed ka xigta deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose.

Khawaarijta ayaa isku uruursanayay halka uu howgalka ka dhacay iyadoona qasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Burcad diimedka.

Saraakiisha ciidamada Daraawiishta gaar ahaana Birjeex oo waayadan birta ka asleysay Khawaarijta ayaa Jubbaland TV u sheegay inay qaarajiyeen tiro khawaarijta ka tirsan ayna ku sii raad jogaan Firxadka Maleshiyaadka.

Horseed Media