Israel oo Qaramada Midoobay ugu baaqday inay ciidamadooda kala baxaan Koonfurta Lubnaan

Published: October 13, 2024

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii ugu baaqay madaxa Qaramada Midoobay in ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay UNIFIL laga saaro deegaanada koonfurta Lubnaan oo ay dagaalada ka socdaan.

Codsiga Netanyahu uu u diray Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii ciidamada Qaramada Midoobay ee Lubnaan, oo loo yaqaan UNIFIL, ay diideen inay ka baxaan aagga xudduudda inkasta oo shan ka mid ah askrtooda ay ku dhaawacmeen weerar uga yimid ciidamada Israel maalmihii la soo dhaafay.

Ra’iisul wasaaraha Lubnaan Najib Mikati ayaa cambaareeyay baaqa Israa’iil ee ah in ciidamada UNIFIL laga saaro koonfurta wadankooda.

UNIFIL, oo ​​ah hawlgal ka kooban ilaa 9,500 oo askari oo jinsiyado kala duwan ka soo jeeda, ayaa loo xilsaaray inay la socdaan xabbad-joojintii soo afjartay dagaalkii 33 maalmood socday ee 2006dii oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Xisbullah.

Afartan waddan oo ay kasoo kala jeedaan ciidamadan UN-ta ee Lubnaan ayaa Sabtidii shalay sheegay inay si adag u cambaareynayaan weerarradii Israel ee dhawaan lagu qaaday ciidamada nabad ilaalinta.

Horseed Media