Taliyaha Booliska Soomaaliya oo la kulmay Madaxa howgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Published: October 15, 2024

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa howgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Kestitis Lancinskas.

Labada masuul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, ka hortagga qataraha argagixisada iyo kordhinta taageerada midowga Yurub ee Ciidanka Booliiska.

Horseed Media