Wasiir Khadiija oo ka qaybgashay Shirka Golaha Wasiirada ee Barnaamijka Cagaarinta Bariga dhexe

Published: October 16, 2024

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Amb Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga qeybgashay shir-ka Golaha Wasiirada ee Barnaamijka Cagaarinta Bariga dhexe (The Middle East Green Initiative”MGI” Ministerial Council Meeting) oo ay ku kulmeen wadamada aas aasay MGI oo ay soomaaliya qeyb ka tahay.

Shirkan waxaa kasoo qeybgalay inta badan Wasiirrada jaamacadda Carabta waxaana Hindisaha MGI uusoo bilowday 2021 kii kadib markii ay 30 waddan oo ka tirsan Jaamacadda Carabta ay ku kulmeen Magaalada Riyaad si looga hortago xaalufka iyo deegaan burburka, Deegaankana dib loogu soo nooleeyo. 20 Dal ooy hogaaminayso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyana ay xubin Ka tahay ayaa bilaabay diyaarinta Barnaamijka MGI oo hadafkiisu yahay in la beero 50 bilyan oo geed dhamaadka sanadka 2030-ka.

Soomaaliya ayaa sanadkii ugu horeeyay ku dhawaaqday in la beero ku dhawaad 10 milyan oo geed oo uu Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay ( Hindisaha Soomaaliya Cagaaran), oo ay Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada, XFS waxbadan ka qabatay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Horseed Media