Wasiir Xagaa oo amray in la maxkamadeeyo doonyaha ku eedaysan kalluumaysiga sharci darrada ah ee Puntland

Published: October 20, 2024

Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa maamulka gobolka Raas-casayr ee Puntland iyo masuuliyiinta Wasaaradda ee gobolkaasi faray in Garsoorka la horgeeyo Doonyaha ku eedaysan Kaluumaysiga Sharci Daradda ah ee ka socda gobolkaasi.

Bulshada ku nool deegaano xeebeedyada Puntland ayaa marar badan cabasho kamuujiyey Kaluumaysiga Sharci Daradda ah ee ka jira Puntland.

Talaabada wasiirka ayaa kusoo aadaysa xili sabtidii ciidanka booliska gobolka Raascasayr gacanta kusoo dhigeen laba doonyo oo laga leeyahay dalka Yemen, kuwaas oo si sharci darro ah uga kalluumaysanayey xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Raas-casayr.

Horseed Media