Ciidamada Sudan uu guul weyn ka gaarey dagaalada ay kula jiraan RSF

Published: October 21, 2024

Ciidamada Qaranka Sudan ayaa sheegay maalintii shalay ee Axadda in taliye ka tirsan kooxda fallaagada ah ee RSF inuu ka soo goostay waxaa la socdey qaar ka mid ah ciidamadiisa, taasoo noqonaysa tii ugu horeysay ee uu qaado sarkaal sare tan iyo markii ay dalkaas ka bilowdeen dagaaladu 18 bilood ka hor.

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay falaagada RSF, oo la wareegay gacan ku heynta qeybo badan oo ka mid ah dalka, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada qaranka.

Sarkaalka soo goostey ayaa lagu magacaabaa Abuagla Keikal.

Taageerayaasha ciidanka qaranka Suudaan ayaa internetka soo galiyay sawiro ay ku muujinayaan Abuagla Keikal – sarkaal hore oo katirsanaa ciidanka kaas oo noqday taliyaha ugu sareeya ee RSF ee koonfurta bari ee El Gezira – kadib markii uu goostay.

Ciidanka Suudaan, oo dhawaan guulo ka gaaray dagaalka ay kula jiraan RSF qaybo ka mid ah caasimadda Khartoum, ayaa sheegay in Keikal uu go’aansaday in uu tallaabadaas qaado sababtoo “ajendaha burburinta dalka ee uu ogaadey”.

Ma aysan sii bixin faahfaahin dheeri ah mana jirin wax qoraal ah ama muuqaal ah, oo ka soo baxay Keikal.

Ciidanka ayaa sidoo kale sheegtay in ay horudhac ka sameeyeen gobolka Sennar, oo ku yaalla Koonfur-bari Suudaan oo u dhow xudduudda uu la wadaago Itoobiya, Ciidamada oo furay waddo sahayda uga timaada bariga Suudaan oo u gudubta koonfurta.

Ciidanka Suudaan waxa ay sheegeen in dagaalyahan kasta oo ka tirsan RSF-ta oo doonaya in uu yimaado oo uu ku biiro ciidanka waa la soo dhawaynayaa in uu sidaas sameeyo,” sidaas waxaa sheegay afhayeen u hadley ciidanka Suudaan.

Colaadda Suudaan ayaa barakicisay in ka badan 10 milyan oo qof, waxayna qeybo ka mid ah dalka u horseedeen gaajo iyo macaluul aad u daran, waxaana soo galay quwado shisheeye oo labada dhinacba u fidiyay taageero agab ah.

Colaada Suudaan waxay bilaabatay Abriil 2023 markii xal oo waayey xurguftii u dhaxaysay RSF iyo ciidanka, kuwaas oo ku loolamayay talada dalka ka hor u wareejinta xukunka dowla rayid ah.

HORSEED MEDIA