Mooshin ka dhan ah Raysalwasaare Xamse iyo isku-shaandheynta golaha wasiirada?

Published: October 21, 2024

Maalmihii u danbeeyey waxaa magaalada Muqdisho la hadal hayey Mooshin ka dhan ah Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaas oo ay saxiixeen Xildhibaano ka badan 70 qof.

Mooshinkan ayaan haysan weli taageerada Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo weli aysan u muuqan sabab uu ku cayriyo Raysalwasaare Xamse iyada oo khilaafka siyaasadeed ee dalku sii xoogeystey laguna kala tegay golaha wadatashiga Qaranka.

Sida wararku sheegayaan Mooshinkan waxa uu taageero ka haystaa mid ka mid ah shir guddoonka Golaha Shacabka.

Raysalwasaare Xamse ayaa bilaabey si uu isaga yareeyo buuqa Mooshinka soo xoogeysanaya in uu buuxiyo qaybo ka dhiman golihiisa wasiirada, soo xerooyo xildhibaano ku kacsan oo mucaarad ah, sidoo kale waxa uu isku beddalayaa qaar kamid ah golaha wasiirada.

Isku-shaandheynta ayaa saameyn doonta Wasaaradda kaluumeysiga, Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka badda, Wasaaaradda batroolka, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, sidoo kale waxaa lagu wadaa in la magacaabo Raysalwasaare ku-xigeen.

Waxaa lagu wadey in habeenkii xalay ee Axadda ay soo baxdo wareegtada isku haandheynta, waxaase wararku sheegayaan in dib loo dhigey tan iyo inta Madaxweyne Xassan Sheekh dib ugu soo noqonaayo dalka.

HORSEED MEDIA