Soomaaliya oo helaysa deeq dhan $100 milyan oo deegaanka wax looga qabanaayo

Published: October 24, 2024

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa saxiixday Heshiiska Maalgalinta ee Mashruuca la qabsiga iyo u adkaysiga isbeddelka Cimilada beeraha ee Soomaaliya, kaas oo ay ansixisay Sanduuqa Green Climate Fund (GCF).

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa ka qeybgalay Kalfadhiga 40aad ee Guddiga Sare ee Sanduuqa Green Climate Fund.

Kalfadhigan oo lagu qabtay magaalada Incheon songdo ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu ansixiyey $100 Malyuun oo Doollar taasi oo lagu fulinayo Mashruuc kor loogu qaadayo u Adkeysiga Cimillada ee Bulshada Soomaaliyeed.

“Taariikh ayey aheyd maanta kadib markii uu mashruucani noqday kii ugu horeeyey ee gaar loogu ansixiyo dalka Soomaaliya, ayey tiri Wasiir Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi.

Isbeddelka Cimilada ayaa saameyn weyn ku leh Soomaaliya, waxaa si weyn u soo noqnoqdey abaaraha, fatahaadaha, biyo yaraanta, dallaga beeraha oo la waayo isbeddelka kaluumeysiga iyo waxyaabo kale oo badan.

HORSEED MEDIA