Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dib u furmay

Published: October 27, 2024

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta dib uga furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir gudoominaayo Madaxweynaha JFS Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadatashiyo ka dib maanta dib la isugu soo laabtay, iyada oo diiradda lagu saaraayo Arimaha Amniga, Dowlad-dhiska iyo Doorashooyinka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah horumarka Dalka.

Shirkan oo ah kii tobnaad Waxaa gudoominaya Madaxweynaha JFS Dr, Xasan Sheekh Maxamuud waxaana qeyb ka ah R/Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre, R/wasaare xigeen Saalax Jaamac Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Horseed Media