Abiy Ahmed oo mar kale ka hadley damaciisa helidda biyaha badda cas.

31 October, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka maanta oo Khamiis ah, ayaa sheegay…

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka maanta oo Khamiis ah, ayaa sheegay in Itoobiya ay “dano aan ka leexasho lahayn” ka leedahay helitaanka marin biyood Badda Cas, laakiin wuxuu sheegay in ay ku raadinayaan si abad ah.

RW Abiy ayaa u sheegay sharci-dejiyeyaasha Khamiistii, “waxaan rabnaa in si nabdad ah marin uga helno Badda Cas, mowqifkeenu wuu cadyahay. Uma baahnin dagaal ama xoog si aan u gaarno himiladayada; waxaanu doorbidaynaa in aanu ku gaarno hab macquul ah oo cadaalad ah. Haddii aanu ku guuldaraysanona caruurtayada ayaa ku guulaysan doona” ayuu yiri Abiy Axmed.

“Itoobiya waxay leedahay dano qaran oo aan ka leexasho lahayn. Caalamku waa in uu maqlo in Itoobiya ay u baahan tahay in ay gasho badda cas iyada oo loo marayo waddo nabadeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka hadlay heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland horraantii sannadkan, kaas oo ujeeddadiisu tahay in Itoobiya marin ka hesho badda taas beddelkeeda Somaliland u aqoonsato dowlad madaxbanaan. Waxa uu xusay in la isku dayay in heshiiskaas loo muujiyo sidii “Itoobiya ay Somaliland la gashay heshiis ay ku qaadanayso gobol ka mid ah Soomaaliya”.

Abiy waxa uu ku macneeyay in Itoobiya ay markii hore soo jeedisay in Somaliland la gasho heshiis gaaraya 99 sano balse markii dambe ay oggolaatay 50-sano, iyadoo la raacayo rabitaanka Somaliland. “Sidee 50-sano oo heshiis ah u noqon karaa dhul la xaday?” ayuu is weydiiyey.”

Isaga oo ka hadlaya xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya, Abiy waxa uu yiri, “Itoobiya waxay leedahay dadka labaad ee ugu badan qawmiyadda Soomaalida marka laga reebo Soomaaliya. Waa walaalaheen, mana hayno ajande ka dhan ah Soomaaliya”.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xumaaday ka dib markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland.

Soomaaliya waxay dhaleecaysay heshiiskaas, waxayna sheegtay inuu ku xad-gudbay madax-banaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed, waxayna kaga jawaabtay inay Soomaaliya ka cayrisay safiirkii Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya, waxayna u yeertay safiirkeedii u joogay Itoobiya, waxayna ku dhawaaqday in Itoobiya laga saaray ciidamada Midowga Afrika ee lagu wado inay beddelaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. (ATMIS).

Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis iskaashi milateri la saxiixatay Masar, taasoo keentay in Masar ay ciidamo milateri iyo shixnado hub ah u soo dirto Soomaaliya.

Dhowaan, shir-madaxeedkii ka dhacay Asmara ayaa kulmiyay Soomaaliya, Masar, iyo Ereteriya, halkaas oo saddexda waddan ay ku heshiiyeen tallaabooyin kor loogu qaadayo awoodda Soomaaliya “si ay u ilaaliso xuduudaheeda berriga iyo badda.”

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo baarlamaanka ka hor hadlayay ayaa sheegay in Itoobiya ay dulqaad u muujisay Soomaaliya, isla markaana ay u ogolaatay waqti ay “dib uga fakarto oo ay mudnaanta siiso” danaheeda qaran, isaga oo intaa ku daray in Itoobiya ay “samir ku sugi doonto danteeda”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay walaaca laga qabo in damaca badda cas ee Itoobiya uu horseedo colaad, isagoo yiri “Waxaa jira qaar u maleynaya in dagaal uu bilaaban doono”, balse wuxuu caddeeyay, “Cidna dagaal la geli mayno; dani nooguma jirto dagaal” ayuu yiri.

HORSEED MEDIA