Haweeney madow ah oo loo doortey hoggaanka Xisbiga Conservative-ka ee UK

Published: November 2, 2024
by: Abdirisaq Shino

Kemi Badenoch ayaa loo doorteyin ay hogaamiso xisbiga Konserfatifka ee UK. Badenoch oo ah 44-jirkan ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horreysay oo madow ah oo hogaamisa xisbi siyaasadeed oo weyn oo ka jira UK.

Badenoch ayaa heshay 53,806 cod halka ninka la artaaayey Jenrick uu helay 41,388. Doorashadan yaa timid kadib markii Sunak uu ku hoggaamiyey xisbigan guuldaradii ugu xumeyd abid soo marta doorashadii ugu danbeysey.

Khudbadda guusha, Badenoch waxay ballan qaaday inay “cusboonaysiin doonto” xisbiga waxayna u sheegtay taageerayaasheeda in y xisbiga guul ku hoggaamin doonto.

Badenoch, oo ah hogaamiyihii lixaad ee Tory in ka yar sagaal sano, ayaa hadda wajahaysa shaqada ah in ay mideeyo xisbi kala jaban oo uu hogaamiyo mucaaradka dowladda Sir Keir Starmer ee Xisbiga Shaqaalaha.

Badenoch waxay ku dhalatey magaalada London sanadkii 1980, waalidkeed waxay ka soo jeedaan Nayjeeriya baarlamaanka UK ayey soo gashey sanadkii 2017, waxaana ay noqotey Xoghayaha Ganacsiga ee xukuumaddii Sunak.

Horseed Media