Published: November 3, 2024
by: Horseed Staff
Subaxnimadii hore ee Axadda ayaa hoobiyaal is-xiga ku soo dhaceen xayndaabka Xalane oo ku dhaw garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde.
Wararku waxay sheegayaan in ilaa saddex kamid ah shaqaalaha ajnabiga ah ee Xalane ku sugan ay ku dhaawacmeen duqeynta, ma jirto dhimasho ilaa hadda la sheegay.
Malayshiyada al-Shabaab yaa sheegtey in ay ka danbeeyeen duqeynta.
Dowladda ayaan ilaa hadda ka hadlin hoobiyaasha lagu weeraray meel ku dhaw garoonka diyaaradaha.
HORSEED MEDIA