Guddi ka shaqeynaya xeerarka doorashooyinka oo Baarlamaanku dhisay

7 November, 2024

Shir guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa magacaabay guddi kumeel-gaar ah oo ka kooban…

Shir guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa magacaabay guddi kumeel-gaar ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka kaasoo u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada/Xisbiyadda siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha iyo xuduudaha.

Guddiga oo ka kooban 15 xildhibaan sida lagu shaaciyay magacyadooda wareegto ay kuwada saxiixan yihiin Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe iyo Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi.

Tani waxa ay ka dambeeysay kadib maalma ka hor markii uu Baarlamaanka hortagay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana codsaday inay mudanayaasha labada aqal ay oggolaadaan in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah sida kuxusneeyd wa murtiyeedkii Shirka madashada.

Sida xogo ku dhaw Xukuumadda ay sheegayaan xeerka doorashooyinka ayaa ah mid diyaarsan oo xukuumaddu ka soo shaqeysey, laakiin Xildhibaananadan ay dib u eegis ku sameyn doonaan ka hor inta aan baarlamaanka la horkeenin.

Dowladaha Puntland iyo Jubland ayaan qayb ka ahayn barnaamijyada uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la is weydiinayaa sida uu dalka oo dhan uga socodsiin doono xeerar iyo guddiyo aan la isla oggoleyn.

HORSEED MEDIA