Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo subaxnimadii…
Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo subaxnimadii hore ee maanta oo Sabti ah ka dhacay xarunta tareenada ee magaalada Quetta ee ku taal koonfur-galbeed Pakistan, sida ay booliisku sheegeen.
Ilaa hadda 26 qof ayaa ku dhimatay 46 kalena waa ay dhaawacmeen.
Mar sii horeysay, sarkaal sare oo ka tirsan booliska deegaanka, Muxammad Baloch, ayaa sheegay in weerarka ahaa mid ismiidaamin ah.
Waxa uu intaa ku daray in qaraxa uu haleelay goob tigidhada lagu iibiyo oo ku taalla xarunta tareenadda ee caasimadda gobolka Balochistan ee Quetta.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay markii tareenku doonayay inuu ka ambabaxo xaruntaas kuna sii jeeday magaalada Peshawar ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa.
Pakistan waxa ka dhacay 785 weerar 10-kii bilood ee ugu horeeyay sanadkan 2024, taas oo sababtay dhimashada 951 qof iyo 966 dhaawac ah, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray mac-hadka Pakistan ee khilaafaadka iyo daraasaadka amniga.
In kasta oo weerarrada argagixisada iyo qaraxyada ay hoos u dhaceen Pakistan, Oktoobar ayaa noqotay bishii labaad ee ugu dhimashada badneyd sanadkan markii dhimashadu gaartay 198.
Horseed Media