Maamulka SSC-Khaatumo ayaa taageeray wax ka bedelkii lagu sameeyey dastuurka kumeel gaarka ah ee dowladda Federaalka…
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa taageeray wax ka bedelkii lagu sameeyey dastuurka kumeel gaarka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay ka hor yimaadeen maamulada qaar.
War kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay inuu maamulkaasi taageersan yahay wax ka bedelka dastuurka JFS, kadib markii bulshada SSC laga qaybgaliyey ka tala bixinta arrimahiisa.
Sidoo kale golaha baarlamaanka SSC wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada inay u midoobaan danaha bulshada Soomaaliyeed.
Waxay soo jeediyeen in la raadiyo Puntland iyo Jubaland maadaama ay xaq u leeyihiin in wax laga weydiiyo arrimahaasi si loo xaqiijiyo wadar oggol siyaasadeed.