Codbixinta doorashada Somaliland oo si rasmi ah u bilaamatey

Published: November 13, 2024
by: Keyse Adam
Somaliland

Maanata oo taariikhdu tahay 13 Nofeembar 2024 waxaa deegaanada Somaliland ka bilowdey Doorashooyinka isku idkan ee Madaxweynaha iyo Ururada Siyaasadda.

Goobaha Codbixinta ayaa lagu wadey in ay furmaan 06:00 subaxnimino xiliga bariga Afrika, taas oo meelo badan ay dib uga dhaceen.

Qiyaastii 1.2 milyan oo qof ayaa isu diiwaan geliyey, doorashada taas oo ka dhacaysa ilaa lix gobol, goobaha codbixinta guud haan ayaa gaaraya 2637 goobood oo dadku codadkooda ka dhiiban doonaan sida Komishanka doorashooyinka Somaliland ay sheegeen.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa subaxnimadii hore ee Arbaca codkiisa dhiibtey, waxaana uu saxaafadda u sheegay in uu ku faraxsan yahay doorashada natiijadana aqbali doono.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) musharaxa xisbiga waddani ayaa isaguna codkiisa ka dhiibey guriga Shaqaalahaee magaalada Hargeysa, Musharax Cabdiraxmaan ayaa heegay in uu shacabka reer Somaliland ka rajeynaayo in ay isbeddelka u codeeyaan.

Musharaxa saddexaad Faysal Cali Waraabe ayaa isgauna codkiisa ka dhiibtey isla guriga Shaqaalaha ee Hargeysa, waxaana uu shacabka ugu baaqey in ay si nabad ah ku codeeyaan.

Waxaa meelo badan oo kamid ah xaaafadaha Hargeysa laga soo sheegayaa in sanaadiikhdu aysan gaarin goobihii dadka ka codeyn lahaayeen saacado kadib xiliga loogu tala galay in doorashadu bilaamato. Goobaha dhibaatadu ka soo yeerayso ayaa u badan meelaha ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka.

Korjoogayaal ka socda caalamka ayaa doorashada la socda oo ilaalinaya, waxaana ay ka yimaadeen dalal kala duwan iyo hay’ado madaxbanaan.

Doorashada Somaliland waxaa lagu kala baxaa cod dheeri, looma baahna in 50%+ uu helo Musharaxa guuleysta, maadaama saddex musharax ku tartamayaan kan ugu codka badan ayaa guuleysan doona oo looma baahna wareeg kale oo lagu kala saro labada musharax ee uGu codka badan.

HORSEED MEDIA