Wasiirka Beeraha Puntland oo booqday Shaybaarka ciidda ee ugu weyn Afrika

13 November, 2024

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dawlada Puntland Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Donyaale) ayaa booqasho ku tegay Xarunta…

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dawlada Puntland Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Donyaale) ayaa booqasho ku tegay Xarunta Sheybaarka Ciidda (Soil Testing Lab) maanta oo Arbaca ah magaalada Nairobi.

Sheybaarka ciidda ee CROPNUT ayaa ah kan ugu weyn ee qaaradda Afrika.

Waxaa sheybaarka CROPNUT ku soo dhowayey Wasiirka, Maareeyaha Sheybaarka iyo masuuliyiin khibrad u leh baaarista ciidda iyo biyaha oo ka tirsan xarunta.

Wasiir Donyaale ayaa kala hadlay maamulka CROPNUT sidii ay uga caawin lahayeen Shaybaarka Ciida ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland oo dhowaan laga hirgaliyey gudaha Puntland.

Labada dhinac ayaa isla gartey sidii ay u wdaa shaqeyn lahayeen Puntland looga caawin lahaa baaritaanka ciidda iyo biyaha ku wanaagsan dallaga iyo beerashada.

Sheybaarkan laga hirgaliyey gudaha Puntland ayaa Beeralayda Puntland ka caawin doona in ay wax ku beertan ciid martay sheybaar isla markasna ay kalsoni ku qabi karaan badqabkeeda ugana baaqsan karayaan khasaaraha faraha badan ee hada soo wajaha Beralayda Puntland.

HORSEED MEDIA