Labo mas’uul hore oo Soomaali ah ayaa lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu eedeeyay doorkii ay ku lahaayeen afduub qloo geystey wariye Mareykan ah oo lagu magacaabo Michael Scott Moore.
Cabdi Yusuf Xassan, 56 jir ah, degan Minneapolis, iyo Mohamed Tahlil Mohamed, oo 43 sano jir ah, ka yimid Mogadishu, ayaa lagu xukumay maxkamad ku taala magaalada New York ka dib markii February 2023 lagu helay eedeymo la xiriira afduub, argagixisanimo, iyo dembiyo hub.
Xasan oo haysta dhalashada Maraykanka, isla markaana soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, iyo Maxamed oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya, ayaa ku takri-falay xilalka ay ka hayaan dowladda Soomaaliya, si ay u abaabulaan afduubka Moore, kaas oo Soomaaliya u tagay bishii Janaayo 2012 si uu u baaro burcad-badeedda iyo dhaqaalaha deegaanka.
Sida laga soo xigtay dukumentiyada maxkamada, Moore waxaa weerar gaadmo ah ku qaaday rag aad u hubeysan meel u dhow magaalada Gaalkacyo ee Soomaaliya, waxaana lagu garaacay qoriga baadkiida, waxaana lala qabtay labo kalluumeysato ah oo u dhashey Seychelles. Intii uu afduubka ku jiray, Moore waxa lagu kala hayey meelo kala duwan, oo ay ku jirto markab la afduubtay oo ay afduubayaashu dileen kabtanka, maydkiisana ku kaydiyeen qaboojiyaha markabka.
Xeer ilaalinta ayaa daaha ka qaaday tafaasiil gaar ah oo naxdin leh oo ku saabsan sida loola dhaqmay la haystayaasha. Hal tusaale, Moore waxaa lagu qasbay inuu daawado markii kooxihii afduubay ay jirdilayeen saaxiibkiis oo ay geed ka soo laadlaadiyeen oo ay bakoorad ku garaaceen.
Xasan oo ka faa’ideysanaya xilkiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa hormuud ka ahaa howlgallada burcad badeeda, waxaana uu hormuud ka ahaa dadaallo madax furasho ah looga qaatay Hooyada dhashay Moore oo da’ ah. Waxa uu agaasimay soo saarista muuqaalo cadeynaya nolosha More waxa uuna u isticmaalay gurigiisa oo ahaa saldhiga howlgalada burcad badeeda, sida lagu sheegay warbixin ay Waaxda caddaaladda Maraykanku qortey.
Ninka labaad Maxamed Tahliil, isaga oo ka faa’iidaysanaya taariikhdiisa ciidannimo, waxa uu u dhaqmay sidii madaxa ammaanka ee burcad-badeedda iyo hubeynta burcadda, bixinta iyo ilaalinta hubka culus oo ay ku jiraan qoryaha darandooriga u dhaca iyo bam-gacmeedyada. Wuxuu mas’uul ka ahaa inuu Moore u kala wareejiyo meelo kala duwan si looga hortago isku-dayga samatabbixinta.
Dhibaateyntii weriye Moore ayaa ugu dambeyntii dhammaatay Sebtembar 2014 ka dib bixinta madaxfurasho. Intii uu xirnaa, waxaa lagu hayay silsilado habeenkii, iyadoo ay hareereeyeen ilaalo hubeysan, marar badanna loogu hanjabay rabshado.
Kiiskan oo ay baaritaan ku sameeyeen xafiisyada FBI-da ee Boston iyo Minneapolis oo gacan ka helaya Waaxda Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa ka dhigan guul laga gaarey dacwad lagu soo oogay saraakiil sarsare oo ku lug lahaa howlgallada burcad-badeedda Soomaalida.
Horseed Media