Xamse: “Doorashada Jubaland: “ileyn gu’ mooyee garaad kuuma kordhin oo geed wax ma dhaantid”

November 18, 2024
Horseed Staff

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad uu xilka kula wareegayay taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hadlay doorashada Jubaland.

Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubaland wax sharciyad ah aanu haysan, doorashana maamuli karin waxaana uu yiri:

“..Sida uu qabo dastuurka Jubaland gaar ahaan qodobka 70, waxaa Madaxwenaha u furan in uu laba mar oo keliya xilka qaban karo, labadii jeer iyo in ka badanba waa dhamaatey, sidaas darted Madaxweynaha Jubaland ma haysto wax sharciyad ah oo uu ku maamulo doorasho iyo weliba dalka.

Xamse ayaa ku tilmaamey axa Kimsaayo ka socda in ay tahay sharci darro ah oo aan la aqbali karin “Waxa Kismaayo ka socda ee doorashada ah ee Madaxweynaha Jubaland wado waa sharci darro, waxa ka dhashaana waa sharci darro, mana la aqbali karo” ayuu yiri.

Xamse Cabdi Barre oo khudbadiisa sii wata ayaa Madaxweynaha Jubaland iyo kuwa la mid ah in ay yihiin Fircoon, halka isagu uu joogo booskii Nebi Muuse calayhi salaam, waxaana uu hoosta ka axariiqey in uu Ballan gaar ahayd uga baxay isaga taas oo lahayd markhaanti.

Raysalwasaraaha ayaa fariin u direy madaxwenaha Jubland iyo ciidamada Jubaland ku sugan, Axmed Madoobe ayuu ugu baaqey in aanu ciidamada u isticmaalin arrimo siyaasadeed ” Waxaan ugu baaqayaa walaalkey Axmed Madoobe inaanu marna ciidamada u adeegsan arrimaha siyaasadda, taasi waa denbi, aan la isaga hari doonin, waxayna keeni kartaa haddii in ciidamadu burburaan” ayuu yiri Xamse oo goodinaaya.

” Haddaan guga kuu kordhaa gabow mooyee ku tarin garaad iyo waayo arag ileyn wax ma dhaantid geed”

Waxaa sidaas yiri Xamse Cabdi Barre oo la hadlaaya Madaxweyne Axmed Madoobe.

Raysalwasaraaha ayaa baaq gaar ah u direy ciidamada Jubaland ku sugan waxaana uu yiri:

“..Ciidamada amniga ee kala duwan waxaan ugu baaqayaa in ay ka fogaadaan siyaasadda, si xirfad lehna ay shaqadooda u qabsadaan oo difaacaan dalka”

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa farriin u diray shacabka Jubbaland, oo oo ugu baaqay inay ka tashadaan aayahooda.

Hadalka Raysalwasaaraha ayaa ku soo beegmaya iyada oo doorashadii Jubaland bilaamatey maalinta berri ahna la sugaayo ku dhawaaqidda liiska Xildhibaanada Jubaland.

Horseed Media