Axmed Maxamed Islaan ayaa markii saddexaad loo doortey Jubaland, waxaana uu ku guuleystey wareegii kowaad.
Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Jubaland ayaa maanta oo tariikhdu tahay 25/11/2024 u fariistey doorashada Madaxweynaha Jubaland shanta sanno ee soo socota.
Kulanka doorashada waxaa ka soo qaybgalay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Jubaland iyo madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Camey.
Doorashada Madaxweynaha waxaa isu diiwaan geliyey ilaa saddex musharax kuwaas oo kala ah, Axmed Maxamed Islaam oo ah ninka ka soo talinaayey Jubaland intii ay jirtey tan iyo 2012, Abuukar Cabdi Xasan iyo Faysal Cumar Mataan.
Doorashadan oo markii horeba si weyn loo saadaalinaayey in Axmed Madoobe ku guuleysanaayo ayaa martey hal wareeg oo keliya, iyada oo tirinta codadku socoto ayaa waxaa is qabsadey dabaaldeg iyo sacab, kadib markii la ogaadey in Axmed Madoobe wareegii kowaad ku guuleystey.
Tirada guud ee Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jubaland ayaa ah 75 Xildhibaan. Codadka ayaana loo kala helay sidan:
- Axmed Maxamed Islaan 55 cod
- Faysal Cumar Mataan 16
- Abuukar Cabdi Xasan 4 cod
Ka hor Doorashada Madaxweynaha Jubaland ee maanta dhacdey, waxaa ka horreysey in la beddaley dastuurka Jubaland oo markii hore dhigaayey in laba xilli oo keliya qofka loo dooran karo, sidoo kale waxaa la beddelay muddada uu xilka hayn karo oo markii hore ahaa afar sano oo laga dhigay shan sano.
JUBALAND IYO AXMED MADOOBE
Jubaland ayaa la dhisey sanadkii 2012, markaas oo dalka uu Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la diidey doorashadii ergoyinka ay u doorteen Axmed Madoobe in uu noqdo Madaxweynaha Jubaland.
Sanadkii 2013 heshiis ka dhacay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu heshiiyey in maamul kumeel-gaar ah uu noqdo muddo laba sano ah.
Sanadkii 2015 ayaa doorashadii u horeysey ee golaha wakiiladu Madaxweyne u doorteen Axmed Madoobe. Doorasho kale oo muran badan dhalisey ayuu mar kale ku soo baxay Axmed Madoobe sanadkii 2019, taas oo Dowladda Federaalka ah oo markaas uu Madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka soo horjeesatey. Dowladda Federaalka ayaa cunno-qabateyn saartey Jubaland dhanka diyaaradaha ah, taas oo markii danbe heshiis ku dhamaatey sanadkii 2020.
Doorashada Jubaland ayey ahayd in ay dhacdo sanadkii 2023. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku doodey in uu qaban doono doorasho qof iyo cod ah oo mideysan, ayaa muddo sanad ah u kordhiyey dowlad goboleedyada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Doorashada qof yo cod ayaa la qorsheeyey in ay dhacdo bishan Nofeembar 2024, taas oo mar kale suurto gal noqon weydey. Dowladda Federaalka ayaa mar kale soo jeedisey muddo kordhin sanad ah iyo in doorashada la qabto Nofeembar 2025, taas oo Axmed Madoobe ku gacan sayrey isla markaana uu qabsadey doorashada maanta la doortey.
Dowladda Federaalka ah ayaa horey u sheegtey waxkasta oo Kismaayo ka soo abxa in aysan socon doonin oo aysan aqoonsan doonin, waxaana ay ku tilmaantey nin isagu is doortay.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in marka la doorto uu dowladda federaalka ah kala xaajoon doono arrimaha masiirka dalka haddii ay diyaar yihiin.
HORSEED MEDIA