Ciidamo ka socda Dowladda Federaalka oo laga dejiyey Raas Kambooni, kadib doorashadii Jubaland

25 November, 2024

Dowladda Federaalka ayaa wada qorshe ay Axmed Madoobe uga hortageyso kaas oo ah mid mileteri.

Wararka ka imaanaya maamulka Jubaland ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee isniinta maanta ah laba diyaaradood oo sida ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka ah ay ka degeen Raas Kambooni oo Kismaayo dhanka Koonfureed uga began qiyaastii 270km.

Wararka ayaa sheegaya in qorshuhu yahay in ay halkaas ka degaan ilaa maanta shan duulimaad oo kale oo sida ciidamada mileteriga dowaldda federaalka ah oo si weyn uga soo horjeeda doorashada Axmed madoobe ku qabsadey Kismaayo.

War ka soo abxay ciidanka Mileteriga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciimada Gorgor ay halkaas u tageen sidii ay ATMIS ugala wareegi lahaayeen saldhiggaas.

Iyadoo ay si habsami leh ay dalka uga socoto la wareegista goobaha ay baneynayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa waxaa maanta deegaanka Raas Kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose gaaray Ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) ayaa warbaahinta u sheegay inay halkaasi ka sii wadi doonaan dagaalka dalka looga xorreynayo cadowga Al Shabab.

Madaxweynaha Jubaland oo maanta markii saddexaad Kismaayo lagu doortey in uu Jubaland hoggaamiyo ayaa xaqiijiyey in Dowladda Federaalku ay ciidamo keentey Raas Kambooni, isaga oo si gaar ah ugu eedeeyey raysalwasaare Xamse Cabdi Barre oo ka soo jeeda Jubaland in uu doonaayo in uu Jubaland dagaal karido.

HORSEED MEDIA