Biden ayaa ku dhawaaqay in xabad joojintu ay dhaqan gali doonto 4-ta subaxnimo Arbacada manta ah.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa fiidnimadii Talaadada ku dhawaaqay in xabbad joojintu ay dhaqan gali doonto habeenimada Arbacada. Wajiga hore ee xabbad joojinta ayaa socon doona muddo 60 maalmood ah.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa fiidnimadii Talaadada xaqiijiyay in Israa’iil ay aqbashay shuruudaha xabbad-joojinta ee Xisbullah.
Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka ayuu Netanyahu ku sheegay in Xisbullah aad loo wiiqay bilihii la soo dhaafay.
Waxaan burburinay inta badan gantaaladooda. Waxaan dilnay kumanaan xubnaha Xisbullaah ah, waxaanan burburinay kaabayaashoodi ee dhulka hoostiisa ee xuduudeena, ayuu yiri Netanyahu.
Waxa uu sidoo kale ka digay in Israa’iil ay dib u billaabi doonto dagaalka haddii Xisbullah ay jebiso heshiiska.
Wax yar ka dib markii lagu dhawaaqay in dowladda Israel ay ogolaatay heshiiska, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka hadlay heshiiska.
Biden ayaa ku dhawaaqay in xabad joojintu ay dhaqan gali doonto 4-ta subaxnimo Arbacada manta ah.
Wajiga hore ee xabbad joojinta ayaa socon doona muddo 60 maalmood ah, balse sida uu sheegay Biden, ujeeddada heshiiska ayaa ah in si joogto ah loo soo afjaro dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo maleeshiyada Xisbullah.
Sida laga soo xigtay heshiiska, ciidamo ka tirsan milterigaLubnaan oo gaaraya 5000 oo askeri iyo ciidamada ammaanka ee UN-ka ayaa la dejin doonaa koonfurta Lubnaan, sidoo kale heshiiska ayaa dhigaya in Xisbullah looga baahan yahay inay ciidamadeeda u rarto waqooyiga Litani, halka Mareykanka, Faransiiska iyo xulafada kale ay ka shaqeyn doonaan in heshiisku noqdo mid rasmi ah.
Biden ayaa carabka ku adkeeyay in aan ciidamo Mareykan ah loo diri doonin koonfurta Lubnaan. Mareykanka iyo Faransiiska kaliya waa inay bixiyaan “gargaarka lagama maarmaanka ah”.
Biden waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in Israa’iil, marka loo eego heshiiska, ay sii haysato xuquuda is-difaaca haddii Xisbullah ay jebiso heshiiska ama ay khatar toos ah ku tahay Israa’iil.
Xusbullaah si degdeg ah ugama hadlin heshiiska, balse ra’iisul wasaaraha Lubnaan Najib Mikati ayaa bayaan uu soo saaray Talaadadii ku sheegay inuu akhriyey heshiiskaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay tallaabo aasaasi ah oo loo qaaday xasilloonida gobolka.
Mikati ayaa u mahadceliyey Mareykanka iyo Faransiiska dadaalkooda dhexdhexaadinta.
HORSEED MEDIA