Lubnaan: Shacabka oo bilaabay inay guryahooda ku noqdaan kadib xabad-joojintii Xisbullah & Israel

27 November, 2024

Xabbad joojinta u dhaxaysa Israa’iil iyo kooxda Xisbullah ee Lubnaan ayaa u muuqata mid maanta oo Arbaca ah si buuxda u dhaqan gashay, iyadoo shacab badan dib ugu laabteen koonfurta Lubnaan.

Xabbad-joojintu waxay soo afjaraysaa ku dhawaad ​​14 bilood oo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah, kaas oo bishii Sebtembar sii xoogeystay. Waxay siin kartaa xoogaa degenaansho ah 1.2 milyan oo Lubnaaniyiin ah oo ku barakacay dagaalka iyo tobanaan kun oo Israa’iiliyiin ah oo ka qaxay guryahooda oo ku yaal xadka Lubnaan.

Heshiiska ay garwadeenka ka yihiin Mareykanka iyo Faransiiska oo ay Israa’iil ansixisay Talaadadii gelinkii dambe, ayaa ku baaqaya in labada bilood ee ugu horreeya la joojiyo dagaalka, wuxuuna dhigayaa in Xisbullah ay soo afjarto joogitaankeeda hubeysan ee koonfurta Lubnaan, halka ciidamada Israa’iilna ay dib ugu laabanayaan dhinacooda xadka.

Kumanaan kun oo ciidamo Lubnaani ah iyo kuwa nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa la geyn doonaa koonfurta, waxaana guddi caalami ah oo uu hogaaminayo Maraykanku ay kormeeri doonaan u hoggaansanaanta heshiiskan.

Horseed Media