Ansixinta Guddiga Doorashooyinka iyo soohdimaha oo fawdo haraysey

27 November, 2024

Dhawaaqa seeriga iyo sawaxan ayaa hareeyey fadhigii labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u fariistey ansixinta guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha qaranka oo ka kooban 18 xubnood kuwaas oo maalintii shalay ee salaasadii golaha xukuumaddu magacowday.

Fadhiga ayaa ka duwanaa kuwii hore waxaana hareeyey buuq, sawaxan iyo qaylada firimbi la afuufaayo.

Guddiga la magacaabey wax fursad ah looma siin in ay soo bandhigaan aqoontooda iyo khibaradooda, ma jirin wax hadal ah xildhibaanadu ay dhiibteen, lama yeerin magacyada guddiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa codeyn degdeg ah geliyey iyada oo goobtu u muuqato goob dagaal iyo fawdo ah, waxaana uu sheegay in 169 Xildhibaan u codeysey in guddiga ansax yahay.

Sidoo kale waxaa adkaatey in Aadan Madoobe dhaariyo guddiga, iyada oo jaahwareer iyo isjiid-jiid lagu jiro ayaa la maqlaayey dhaar aan la garanayn cidda la dhaarinayo.

Waxaa goobta soo galay ciidamo boolis ah kuwaas oo jiid-jiid ku sameeyey xildhibaano gaaraya 15 oo diidan qorshaha Aadan Madoobe ee uu sida khasabka ah ku wado ansixinta guddiga oo fadhiga ku hoggaamiyey, mararka qarkood waxaa la maqlayaa Aadan Madoobe oo mic furan yahay oo dhahaya “Waryaa dila dila” isaga oo ul ajeeda xildibaanada ka soo horjeedey ansixinta.

Si kastaba ha ahaatee guddigan sidaas lagu meel mariyey ee ayaa la is weydiin doonaa halka ay ka shaqeyn doonaan, maadaama qaar kamid ah Dowlad goboleedyadu ay diidan yihiin qaabka dowladda federaalku wax u waddo.

HORSEED MEDIA