Jubaland oo saartay waaran lagu soo xiray madaxweynaha Soomaaliya

27 November, 2024

Maxkamada Darajada koowaad ee degmada Kismaayo ayaa waaran lagu soo xirayo u jartay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ina Suuban Sabriye Axmed.

Maxkamada ayaa sheegtay inay u cuskatay waaranka loo jaray madaxweynaha inuu yahay khiyaano qaran oo uu ku kacay iyo falal u daneenaya argagixisada, xili dagaal lagula jiro.

Khilaafka Jubaland iyo dowladda Federaalka ayaa hadda cirka isku sii shareeray kadib markii maxkamada gobolka Banaadir ay u jartay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, waaran lagu soo xirayo.

Waaranka Jubaland u jartay madaxweyne Xasan Shiikh ayaa u muuqata waxa loo yaqaan “tit-for-tat” mid ay kaga jawaabayso waarankii madaxweyne Axmed Madoobe.

Horseed Media