Dowlada Shiinaha oo shaqadii ka fariisisay saraakiil sare ee militariga

28 November, 2024

Shiinaha ayaa shaqada ka joojiyay sarkaal sare oo militari ah oo looga shakisan yahay musuqmaasuqa hantida ciidamada qalabka sida.

Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah in Miao Hua, oo ah agaasimaha waaxda shaqada siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee awoodda leh ee kormeera Ciidanka, laga baarayo jebinta anshaxa iyo musuqmaasuqa.

Xisbiga shuuciga ee talada haya “wuxuu go’aansaday inuu Miao Hua ka joojiyo shaqada inta uu socdo baaritaanka”, af hayeenka wasaarada Difaaca Wu Qian ayaa ku sheegay warbixin kooban.

Wu ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan eedeymaha ka dhanka ah Miao, mid ka mid ah shan sarkaal oo sare oo ka tirsan guddiga kormeeraya militariga oo uu madax u yahay madaxweyne Xi Jinping.

Ololaha Madaxweyne Xi ee ka dhanka ah musuqmaasuqa ayaa diiradda saaray sanadkii la soo dhaafay ciidamada qalabka sida, iyadoo ku dhawaad ​​20 saraakiisha militariga iyo warshadaha difaaca laga fariisiyey shaqada oo uu ku jiro wasiirada difaaca.

Horseed Media