Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed qodobkiisa 184 waxa uu ka hadlayaa qofkii wax u dhima Midnimada iyo madaxbanaanida qaranka.
Sida ay qabaan sharciyaqaanadu doorashada Jubaland ka dhacdey golaha wasiirada ee xukuumadda federaaku sharci iyo sharci darro midna kama dhigi karaan mana lahan awoodaas sharci ee iyagu wa gole fulin, waxay ka dalban karaan garyaqaanka guud ee dawladdu in uu dacwad ka dhan ah doorashada ka furo maxkamadda dastuuriga ah ama maxkamadda sare. Maxkmadda ayaa sharci iyo shaci darro soo saari karta marka ay dhagaysato dacwadda, mana ahan maxkmad derajada kowaad iyo wax la mid ah.
Haddaba iyada oo maxkamaddu aysan doorashadii Jubaland xukun ka soo saarin ayaa maxkamad derajada kowaad ee heer obol ah ee Banaadir amartey taliyaha Boolisku in uu soo xiro eedeysane Axmed Maxamed Islaan iyada oo loo adeegsadey saddex qodob oo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ah.
Golaha Wasiirada ee xukuumadda federaalka ah ayaa shir ay yeesheen bishii June 2024 ku meel mariyey khataraha amniga waxaana kow ka ahaa Argagixisada waxaa ku sigen qofkasta oo ka shaqeeya ARAGTIDA GOONI-GOOSADKA;
Haddaba qodobka 184 ee lagu xusay warqadda waaranka loogu jaray Madaxweynaha Jubaland waxa uu dhigayaa “Qofkasta oo ka shaqeeya wax liddi ku ah madaxbanaanida dalka iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed xeerkiisu waa dil”
Sidaas darteed Muuse Biixi oo muddo sanad ah dagaal ku hayey Laascaanood shacabkeedu ay lulayaan calanka Soomaaliyeed ma jirin wax waaran ah oo laga soo saarey. Muuse waxa uu heshiis wax u dhimaaya madaxbanaanida dalka la galay Itoobiya, ma jirin in lala tiigsadey xeerka ciqaabta Soomaaliyeed qodobkiisa 184. Cabdiraxmaan maxamed Cabdillaahi Cirro oo aaminsan in uu Madaxweyne u yahay dal madaxbanaan waxaa loo direy hamalyo aan loo kala harin, sidaas darted, marka la tixraaco xeerka ciqaabta Soomaaliyeed qodobka 184 miyaanu noqoney “hypocrite” munaafaqadii oo dhar la’aan socota.
Tan kale qodobka 217 ee isla xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ee waaranka ku qoran ayaa dhigaya:
Qof kasta oo gala fal ujeedadiisu tahay bedelaada dastuurka iyo qaabka dawladeed hab uusan dastuurku fasaxin, waxa lagu ciqaabayaa xabsi daai’in.
Dooda ugu weyn ee khilaafka Jubaland iyo Dowladda Federaalka ayaa dhigaya mid la jabinaayo dastuurka kaas oo dhigaya in muddo xileedka la iska kordhisto oo aanu doorasho qaban, iyaduna waa arrin u baahan cidda dastuurka jebineysa in la ogaado, ee ka hortaagan in dawlad goboleedyadu qabsadaan doorashadoodi.
HORSEED MEDIA