Putin oo sheegay in Ruushku uu weerari karo ‘xarumaha Taliska’ ee Ukraine

28 November, 2024

Ruushka ayaa bartilmaameedsanaya xarumaha Ukraine kuwaas oo ay ku jiri karaan “Taliska” Kyiv si ay uga jawaabaan weerarrada gantaalada reer galbeedka ee Ukraine la beegsanayso dhulka Ruushka, ayuu yiri Madaxweyne Vladimir Putin maanta oo Khamiis ah.

Weerarada Ruushka ayaan illaa hadda lala beegsan xarumaha dowladda ee ku yaalla caasimadda Ukraine ee Kyiv, waxaa si aad ah u ilaaliya difaaca hawada, laakiin Putin ayaa sheegay in gantaalka ‘Oreshnik hypersonic’ ee Ruushka, oo uu markii ugu horreysay ku riday Ukraine asbuucii hore, aysan Ukraine awood u lahayn inay qabato.

Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay markii ugu horeysay 19-kii November gantaalada ballistic-ga ee US ATACMS ku riday galbeedka Ruushka, taas oo keentay in uu ka jawaabo laba maalmood ka dib isagoo gantaalka Oreshnik, oo ah gantaal cusub oo riddo dhexe ah ku riday magaalada Dnipro ee Ukraine.

Tan iyo markaas, Ruushku wuxuu sheegay in Ukraine ay ATACMS badan ku soo ridday gobolkeeda Kursk.

Putin waxa uu sheegay in wax soo saarka Ruushka ee nidaamyada gantaallada horumarsan uu 10 jeer ka badan yahay kan isbahaysiga milatariga ee NATO, isla markaana Moscow ay qorshaysay inay sare u qaaddo sameynta gantaaladooda.

Horseed Media