Qaar kamid ah dalalka awoodda leh ayaa ka shaqeynaya sidii loo soo celin lahaa heshiiskii 2015 ee cunaqabataynta looga qaaday Tehraan
Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii ku riixay quwadaha adduunka iyo Iran inay si degdeg ah uga shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa heshiiskii 2015 ee cunaqabataynta looga qaaday Tehraan si loogu beddelo xannibaadaha barnaamijkeeda Nukliyeerka, isagoo ka digay in “guusha ama guuldarradu ay khusayso dhammaanteen.”
Heshiiska Iran ay la gashay Britain, Jarmalka, Faransiiska, Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha waxaa loo yaqaanaa Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabadka (JCPOA). Mareykanka ayaa heshiiska ka baxay sanadkii 2018-kii, xilligaasi oo uu Donald Trump xilka hayay markii ugu horeysay, Iran waxa ay bilowday in ay ka baxdo balamo la xiriira Nukliyeerka oo ku saabsan heshiiskaasi.
“Inkasta oo ay dublamaasiyadu tahay doorashada ugu fiican, haddana Maraykanku waxa uu sidoo kale caddeeyey in Iran aysan marnaba noqon karin doorasho, waxaan diyaar u nahay in aan isticmaalno dhammaan qaybaha awoodda qaranka si aan u hubinno natiijadaas,” ayuu yiri ku xigeenka safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Robert Wood.
Diblomaasiyiinta reer Yurub iyo Iran ayaa kulmay dabayaaqadii bishii hore si ay uga wadahadlaan in ay ka shaqayn karaan qaboojinta xiisadaha gobolka, oo ay ku jirto barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran, ka hor inta aanu Trump ku soo laaban Aqalka Cad bisha January oo ah muddo afar sano ah oo labaad.
Horseed Media