Xasan Sheekh oo xaaladda warbixin ku aadan Sudan ka dhegaystey safiirkooda

7 hours ago

Siihayaha safaaradda dalka Sudan Cammaar Axmed Baabakir ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh wabixin ka siiyey xaaladihii u danbeeyey ee Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay siihayaha safaaradda dalka Suudaan Cammaar Axmed Baabakir oo uga warbixiyey xaaladda dalkiisa Sudan, hormarka hawlgalada ciidamada Suudaan, sidoo kale waxay ka wada hadleen xiriirka Labada dal.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Xasan ayaa lagu sheegay in Danjire Baabakir uga mahadceliyay Madaxweynaha sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen muwaadiniinta reer Suudaan ee kusoo qaxay dagaallada ka socda Suudaan, isagoo tilmaamay in Soomaalidu, shacab iyo dowladba ay walaalnimo iyo farxad ku qaabileen walaalahooda reer Suudaan ee soo gaaray dalka.

Sidoo kale, sii hayaha Danjiraha ayaa u soo gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh salaan iyo farriin uu uga siday, Hoggaaniyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Cabdifataax Al-Burhaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay abaal weyn u hayaan Suudaan, kuwaas oo si mug leh uga qayb qaatay taageeridda Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan fursadaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed iyo tababarida hay’adaha amniga.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso nabadda iyo xasilloonida dalka walaalaha ah ee Suudaan, maadaama degganaanshihiisa uu muhiim u yahay gobolka oo idil.

HORSEED MEDIA