Aabbe Wiilkiisa U Dilay Balwad Darteed

Published: August 31, 2020

Aabbe Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa dilay wiilkiisa, isagoo ka xiray gacmaha iyo lugaha kadibna ku riday webiga shabeelle.

Aabbahan oo lagu magacaabo Maxamed Dhaayow Aadan, ayaa markii ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka Hirshabeelle, waxaa uu sheegay sababta uu u dilay wiilkiisa inay tahay kadib markii uu bartay maandooriyaha xashiishka isla markaana uga baqay nafsadiisa.

“Wiilkeyga waxaa igu batay dhibkiisa,  wuxuu bartay balwad,  xashiishka ayuu isticmaali jiray,  xoolo badanna wuu iga xaday….nafteyda ayaan uga baqay,  waana ku daalay sidii aan u gudayay xoolo islaameed uu qaadan jiray, aniga xitaa 9 neef oo Lo’ ah oo.uu mid Irmaan yahay ayuu iga qashay”

Aabaha Wiilkiisa Dilay

Dhacdadan oo ilaa iyo shalay la hadalhayey ayey la yaab ku noqotay dadkii maqlay, ciidamada amaanka ayaana gacanta ku haya aabbe Maxamed Dhaayow Aadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *