Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo ka qaybgalay Madasha Baarlamaanada Qudus

Published: April 26, 2024

Guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay shirka madasha Baarlamaannada Qudus oo ka furmay dalka Turkiga.

Guddoomiyaha golaha shacabka, Sh Aadan Madoobe iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi ayaa shirkaasi ka jeediyey khudbado ay kaga hadleen dhibaatada lagu hayo shacabka falastiiniyiinta gaar ahaan dadka Qasa oo muddo kabadan 6 bilood ay duqaymo iyo gumaad ba’an ku hayso israel,

Madaxda shirka kasoo qaybgashay ayey ku boorriyeen in lagu dadaalo sidii shacabka go’doonsan loola gaari lahaa gurmad bini’aadannimo oo deg deg ah.

Ugu danbayn, waxay u mahadceliyeen madaxwaynaha turkiga oo shirka furay, garab istaagga uu u muujiyay shacabka Falastiin islamarkaana uu xiriirkii dhaqaale ugu jaray israel, muhiimna ay tahay in Falastiin hesho xorrnimo iyo dowlad la aqoonsan yahay.

Horseed Media