Abaanduulihii Ciidamada Somaliland oo ku biiray Xoogaga SSC

Published: June 4, 2023

Gen.Saleebaan Barre Geesood oo horey u ahaan jiray Abaanduulihii ciidamada maamulka Somaliland ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood, kadib markii uu si rasmi ah ugu biiray xoogaga SSC.

Qaar kamid ah guddiga SSC ayaa sheegay in sarkaalkan uu ka qeyb qaadan doono dagaalka lagula jiro Somaliland.

Saleebaan ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu dadkiisa ku biiro, isla markaana shacabka deegaanka kala qeyb qaadan doono sidii looga hortagi lahaa duulaanka Somaliland.

Horey ayey u jireen ciidamo badan oo kamid ahaan jiray Somaliland oo kasoo jeeda gobalada SSC oo ku biiray ciidamada deegaanka oo hada xaruntoodu tahay magaalada Laascaanood.