Abiy Ahmed oo ka hadlay weerar lagu qaaday masaajido

Published: December 22, 2019

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa cambaareeyey rabshadaha diineed ee dalkaas kadib markii weerarro lagu qaaday dhowr masaajid oo ku yaalla gobolka Amxaarada.

Warbaahinta dowladda ku xiran ee Fana ayaa sabtidii werisay in dhowr masjid la weeraray, sidoo kalena hanti lagu burburiyey magaalada Mota, oo 350km waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

“Isku dayada ay xagjiriinta ku donayaan inay ku buburiyaan taariikhdeenna hodonka ee isku dul-qaadka diimeed iyo wadajir, wax kaalin ah kuma lahan Itoobiyada cusub,”

ayuu Abiy Ahmed ku yiri bayaan lagu soo qoray barihiisa facebook iyo twitter.

“Waan caamberynayaa ficillada fuleynimada ah, waxaana ugu baaqay dhammaan dadka Itoobiya ee nabadda jecel inay adeegsadaan garashadeenna qotada dheer ee wada jirka iyo is-xushmeynta.”

Warbaahinta Fana waxay werisay in ilaa seddax Masaajid la weeraray. Ma cadda xilliga ay dhaceen rabashadahan, waxa sababay, cidda ka dambeysay, iyo haddii ay jiraan dad ku dhaawacmay ama ku dhintay.

Saraakiisha gobolka Amxaarada Itoobiya weli kama aysan hadlin dhacdooyinkan. Inkasta oo rabshadaha qowmiyadaha ku saleysan ay jireen tan iyo markii uu xukunka yimid Abiy Axmed, waxayna kuwii u dambeeyey waxay u muuqdeen kuwa ku saleysan arimo diimeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *